DHAGEYSO:10 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay ismaamulka Uasin Gishu

0
312

Waxaa lagu soo warramayaa in 10 qof ay ku dhinteen shil gaari oo laga soo tabiyay aagga Chemoset ee deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu.
9 ka mid ah dadkan ayaa ku nafwaayay goobta uu shilka ka dhacay halka qofka kalena uu geeriyooday xilli loo sii waday isbitaalka si loo daaweeyo.
Tani ayaa timid ka dib markii subaxnimadii hore ee maanta ay isku dhaceen gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo baabuur xamuul oo marayay waddada u dhexeysa magaalooyinka Eldoret iyo Kitale.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Uasin Gishu Benjamin Mwanthi ayaa sheegay in afar qof oo rakaab ah ay dhaawacyo halis ah soo gaareen kuwaasi oo loola cararay isbitaalka wayn ee Moi ee Eldoret.
Waxaa uu intaasi ku daray in laga shakisan yahay in mataatuuda ay si xowli sare ah ku socotay ka hor inta aysan ka bixin waddada loogu tala galay taasi oo sababtay shilka.
Gaadiidleyda ayuu ku boorriyay in ay ilaaliyaan shuruucda waddooyinka si looga baaqsado shilalka noocan ah.
Waxaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaasi warbaahinta uga warramay Henry Zuma oo ah taliyaha booliiska ee deegaan baarlamaneedka Soy.