Wasiirka arrimaha dibadda ee Syria oo ku sugan Sacuudiga

0
341

Waxaa magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya safar ku tagay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Syria ee dhawaan la magacaabay Asaad Hassan al-Shibani.
Waxaa uu halkaasi kula kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Waleed Elkhereiji.
Wasiirka ayaa sheegay inuu doonaya in la furo baal cusub oo ifaya oo Syria kala dhexeeya Sacuudiga.
Tani ayaa imaanaysa wax ka yar hal bil markii 8-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ay xoogagga mucaaradka ee Syria hoggaanka ka tuureen madaxweynihii dalkaasi Bashaar Al-Assad.