Dennis Itumbi oo beeniyay inuu khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

0
423

Dennis Itumbi oo ah madaxa madaxtooyada ee mashaariicda gaarka ah iyo hal-abuurka dhaqaale ayaa beeniyay wararka la isla dhex maraya ee sheegaya inuu khilaaf ka dhexeeyo madaxweynaha dalka Dr. William Ruto iyo ku xigeenkiisa Prof. Kithure Kindiki.
Tani ayaa timid ka dib markii Kindiki uunan ka qayb gelin xafladdii uu madaxweynaha kenyaanka kula wadaagayay khudbadiisa sanadka cusub oo uu ku soo bandhigay ismaamulka Kisii iyo casho sharaf uu halkaasi ku qabtay 31-dii bishii Diseembar ee sanadkii tagay.
Hasa ahaate , Itumbi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ku sheegay in uunan khilaaf ka dhexeyn labada mas’uul ee ugu sarreysa dalka.
Waxaa uu sidoo kale been abuur ku tilmaamay in gacan-yaraha madaxweynaha Farouk Kibet uu dharbaaxay Kindiki.
Dennis Itumbi ayaa sheegay in William Ruto iyo Kithure Kindiki ay ku mashquulsan yihiin dhaqangelinta qorshaha horumarineed ee dowladda .
Waxaa uu intaasi ku daray in sanadkan , mashaariicda iyo barnaamijyada la fulinaya ay noqon doonaan kuwo muuqda taasi oo beenin doonto waxyaabaha aan xaqiiqada ku saleysnayn ee la faafiyo.