DCI oo shacabka ka codsatay xogta qof dil loo haysto oo xabsi ka baxsaday

0
420

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa mar kale kenyaanka ka codsatay in haddii ay hayaan ay la soo wadaagaan xogta Collins Jumaisi Khalusha gaar ahaan halka uu ku sugan yahay.
Waxaa uu Khalusha ku eedeysan yahay inuu dil gaystay .
DCI ayaa shakhsigan ku tilmaantay tuhmane la doon-doonaya.
Waxaa uu xabsiga ka baxsaday 20-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii 2024-kii xilli lagu waday in maxkamadda la soo taago.
Waaxdan ayaa ballan qaadday in abaalmarin wanaagsan la siin doono cidii soo gudbisa xog suurtagelin karta in mar kale la soo xiro Collins oo dhalasho ahaan ka soo jeeda tuulada Shaviringa ee degmada Hamisi ee ismaamulka Vihiga.