Dowladda Ivory Coast oo sheegtay in ciidamada Faransiiska ay dalkaasi ka bixi doonaan

0
318

Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in ciidamada Faransiiska ay waddankaasi ka bixi doonaan bishan Jannaayo.
Tani ayaa imaanaysa ka dib muddo tobaneeyo sano ah oo militariga Faransiiska uu ku sugnaa gudaha Ivory Coast.
Waxaa uu madaxweyne Ouattara xusay in saldhigga magaalada Abidjan ee ay adeegsadaan saraakiisha difaaca ee Faransiiska in bishan lagu wareejin doono ciidamada qalabka sida ee Ivory Coast.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay ku faani karaan militarigooda oo uu xusay in hadda loo sameynaya casriyeyn wax ku ool ah sidaasi awgeedna ay go’aansadeen in Faransiiska uu si nidaamsan uga baxo dalkii uu horay u guumaystay.
Waxay warbixinnadu tilmaamayaan in ku dhawaad 1,000 oo ah ciidamada Faransiiska ay ku sugan yihiin dalka Ivory Coast iyadoo saraakiishan horay looga saaray waddamada Mali, Burkina Faso iyo Niger.