Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Bariga Mandera Xuseen Weytaan ayaa booqday xarunta shirkadda korontada dalka ee Kenya Power laanteeda magaalada Mandera.
Waxaa uu sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeysay ay koronto la’aan saameysay magaaladaasi.
Wasaaradda tamarta ee dalka ayuu ugu baaqay in ay si degdeg ah u xallliso cilladda korontada ee jirta oo loo aaneeyay in matoorrada badankoodu aysan shaqeyn.
Mudanaha ayaa dowladda dhexe ee dalka ka codsaday in halkaasi ay gayso matoorro tayadoodu wanaagsan tahay.
Xildhibaanka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo korontada, isagoo muujiyay muhiimadda ay u leedahay adeegyada muhiimka ah, sida ganacsiga iyo nolol maalmeedka dadka deegaanka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xuseen Weytaan oo ka hadlay cilladda korontada ee saameysay bulshada Mandera