Wakaaladda hawada sare ee dalka oo war ka soo saartay sheey ku soo dhacay Makueni

0
505

Dowladda ayaa ugu dambeyn bayaan ka soo saartay sheey ka soo dhacay cirka oo ku dhacay aagga tuulada Mukuku ee ismaamulka Makueni maalintii Isniinta.
Hay’adda hawada sare ee Kenya ee (KSA) ayaa sheegtay in sheeygaasi oo culeyskiisu yahay 500 oo kiilogaraam, uu ka soo dhacay gawaarida lagu qaado dayax gacmeedka.
Waxay intaasi ku dartay in saynisyahannadu ay inta badan naqshadeeyaan in waxyaabahaasi ay ku dhacaan meelo aan la degganayn ka dib markii ay gubtaan.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay billaabeen baaritaanno ku saabsan sababta uu sheeygaasi ugu soo dhacay aaggaasi.
KSA ayaa shaaca ka qaadday in ay la wareegeen goobtii ay walxahaasi ku soo dhaceen, taasi oo meesha ka saartay cabsidii markii hore laga qabay in dadka deegaanka ay si xor ah u xakameeyaan agabka iyaga oo aan ka war qabin dhibaatada uu iyaga u gaysan karo.
Waxay sidoo kale sheegeen in agabkaasi uunan khatar degdeg ah ku ahayn ammaanka dadka iyo in ay isticmaali doonaan qaab dhismeedkiisa si loo aqoonsado mulkiilaha.
KSA ayaa ku boorrisay dadweynaha inay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan sheey kasta oo ay ka shakiyaan ama dhacdooyinka aan caadiga ahayn .
Ugu dambayntii KSA ayaa uga mahadcelisay dadka deegaanka ee ay dhibaatadu saameysey sida degdega ah ee ay uga jawaabeen dhacdadan.