Muwaadin u dhashay Tunisia oo laga siidaayay xabsi ku yaalla Maraykanka

0
324

Waxaa xabsiga Guantanamo Bay ee Maraykanka laga siidaayay muwaadin u dhashay dalka Tunisia oo lagu magacaabo Ridah bin Saleh al-Yazidi.
Waxaa uu xabsiga ku jiray tan iyo sanadkii 2002-dii isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Tallaabada uu Ridah oo 59 sano jir ah dib ugu helay xurriyadiisa waxaa xaqiijisay waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka.
31-dii bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii xoghayaha waaxda difaaca ee xukuumadda Washington Lloyd Austin uu dowladda Tunisia la wadaagay qorshaha loogu wareejinaya muwaadinkeeda.