Hal qof oo dhintay halka dhowr kale ay dhaawacyo soo gareen ka dib markii ay ka soo dhaceen dhismo ku yaalla xaafadda Islii

0
670

Waxaa la xaqiijiyay geerida hal qof halka labo kale ay dhaawacyo soo gaareen ka dib markii uu la soo dhacay bulukeeti xilli ay dhismo ka wadeen guri ku yaalla waddada 11-aad ee agagaarka carwada Royal Mall ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex ka mid ah shaqaalaha dhismahaasi ay ka soo dhaceen dabaqa 13-aad.
Dadka waxyeellada soo gaartay oo dhismaahasi ka soo dhacay ayaa ahaa shaqaalaha gurigaasi dhisayay.
Waxaa sidoo kale jira dad marayay dhismahaasi hoostiisa oo dhaawacyo fudud soo gaareen.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 12:30 duhurnino ee maanta.
Waxaa dhanka kale uu burbur soo gaaray baabuur hortaalay dhismaahaasi hoostiisa iyo kuwa kale oo waddada marayay.
Booliiska ayaa haatan billaabay baaritaanno dhacdadan ku aadan.
Wixii qodobkan ka soo kordho halkan starfm.co.ke ayaad kaga bogan doontan.