Haweeney maalmo ka hor la waayay oo la helay iyadoo badqabta

0
354

Waxaa lagu soo warramayaa in la helay iyadoo badqabta Lilian Nyambura Mbugua oo ah haweeney 23-kii bishan laga waayay guriga qoyskeeda oo ku yaalla xaafadda Gikono ee deegaanka Kabati ee ismaamulka Murang’a.
Qoyska haweeneydan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mbugua oo 28 sano jir ah saaka laga helay kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Maragua ee ismaamulka Murang’a .
Adheerkeed oo lagu magacaaba George Njuguna ayaa sheegay in markii la helay gabadhooda ay daciifnimo ku muuqatay islamarkaana ay wareersanayd.
Waxaa uu intaasi ku daray in Lilian la geeyay xarun caafimaad si xaaladeeda la ogaado iyo dhibaatooyinka la gaarsiiyay muddadii la la’sanaa.
Lilian ayaa sheegtay in looga tagay kaalin shidaal ayna ka codsatay shaqaalaha goobtaasi in ay u wacaan hooyadeed.
Booliiska ayaa haatan billaabay baaritaan la xiriira arrinkan.