WHO oo dowladda Shiinaha ka dalbatay in ay caddeyso sidii uu ku billowday COVID-19

0
310

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa dowladda Shiinaha ugu baaqday in ay la wadaagto macluumaadka la xiriira sidii uu 31-dii bishii Diseembar ee sanadkii 2019-kii dalkeeda uga billowday cudurkii caalamka saameeyay ee COVID-19.
Xanuunkan ayaa waxaa u geeriyooday malaayiin qof wuxuuna carqaladeeyay dhaqaalaha dunida.
WHO ayaa bayaan ku sheegtay in ay Shiinaha ka dalbanaysa inuu xogtan bixiyo si loo fahmo halkii uu ka soo unkamay COVID-19.
Waxay intaasi ku dartay in tani ay tahay mas’uuliyad anshax iyo saynis ahaanba u saaran xukuumadda Beijing.
Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku xustay in haddii aynan jirin daahfurnaan iyo wada shaqeyn oo aynan dalalka caalamka xogta wadaagin, in dunidu aynan si buuxda mustaqbalka uga hor tagi karin oo aysan ugu diyaar garoobi karin xanuunnada faafa.