Doorasho maanta ka dhacday dalka Chad

0
299

Shacabka dalka Chad ayaa maanta ka qayb qaatay doorasho ay ugu codeynayeen xildhibaannada iyo wakiillada ku matali doono baarlamaanka qaran ee waddankaasi , goleyaasha gobollada iyo maamul dagmeedka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib saddex sano oo uu waddanka Chad ka jiray maamul militari.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in garabka mucaaradka ee dalkaasi uu qaadacay ka qayb qaadashada codeynta.
Waxay tani fursad siinaysa musharraxiinta taabacsan madaxweyne Mahamat Idriss Itno oo sanadkii 2021-kii hoggaanka Chad kula wareegay qaab militari.
Waxaa ka qayb qaadashada codeynta isku diiwaangeliyay qiyaastii 8 milyan oo qof.
Codeynta ayaa imaanaysa iyadoo ay kooxda Boko Xaraam gaysanaysa weerarro soo noqnoqday.