Muran ka dhex dhashay qoys ku nool degmada Githurai ee ismaamulka Kiambu ayaa isku beddelay dhimasho iyo dhaawac ka dib markii uu nin mindi ku dilay gabadhiisa oo 16 sano jir ah.
Elius Jacob Katanga oo 45 sano jir ah ayaa la sheegay in uu weerarray xaaskiisa Teresia Wairimu oo da’adeedu ahayd 45 sano iyo gabadhiisa.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay muddo kala maqnaayeen sababo la xiriira khilaaf xagga qoyska ah.
Warbixin ka soo baxday saldhigga booliiska ee Mwihoko ayaa muujinaysa in Katanga uu isku dayay in si qasab ah uu ku kaxeysto wiilkooda oo 3 sano jir ah.
Wairimu oo ka soo horjeedsatay arrinkaas ayuu Katanga madaxa mindi ka galiyay.
Intii uu isqabqabsiga jiray ayay inantooda iskudayday in ay qaylo dhaan sameyso taasi oo keentay in aabaha uu dhabarka mindi kaga dhuftay gabadhiisa ka hor inta uunan goobta ka baxsan.
Dadka deriska la ah qoyskaasi ayaa labada dhibbane geeyay isbitaalka Ruiru halkaas oo dhakhaatiirta ku sheegeen in gabdhaha ay geeriyootay.
Wairimu oo dhaawacyo halis ah soo gaaray ayaa hadda lagu dabiibaya istibaalkaasi.
Meydka gabadha ayaa loo geeyay qaybta meydadka la dhigo ee isbitaalka Thika si baaritaan loogu sameeyo.
Saraakiisha booliiska ayaa weli ku raadjogaa Katanga oo aan la hubin goobta u jiro.