Ugu yaraan 179 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

0
301

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay shilkiii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka magaalada Muan ee dalka Kuuriyada koonfureed.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in ay dhacdadaasi ku nafwaayeen in ka badan 179 ruux.
Shilka ayaa loo aaneynaya cillad ku timid agabkii ay diyaaraddu ku soo degi lahayd.
Muuqaallada baraha bulshada ku faafay ayaa muujinaya diyaaradda oo ku soo dhacday darbi ku yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muan.
Diyaaradda ayaa ka soo duushay caasimadda dalka Thailand ee Bangkok kuna wajahnayd magaalada Muan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay sidday rakaab dhan 181 qof oo kala ah 6 shaqaale iyo 175 rayid ah.
Waaxda dab damiska ee qaranka Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in 179-ka qof ee ku dhintay shilka diyaaradeed ay kala yihin 85 dumar, 84 rag ah iyo 10 qof oo aan wali jinsiyaddooda la aqoonsan.
Waxay intaasi ku dartay in shilka ay ka badbaadeen labo ruux oo ka mid ahaa howlwadeennada diyaaradda.
Waaxda ayaa xustay in la demiyay dabkii ka kacay diyaaradda.
Waxay diyaaraddu shilka ku gashay khadka ay diyaaraduhu adeegsadaan abaare 9.03 ee subaxnimo ee maanta ee saacadda dallkaasi.