Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen howlgal ay fulisay diyaarad dagaal oo ay leeyihiin militariga dalka Nigeria.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay ku daba jirtay kooxa burcad ah oo ku sugnaa laba tuulo ka dibna si khalad ah loo duqeeyay dad rayid ah oo ku sugnaa gobolka waqooyi galbeed ee Sokoto.
Waxaa sidatan sheegay guddoomiyaha gobolkaasi Axmad Aliyu.
Aliyu ayaa xusay in maamulka uu ka shaqeyn doono sidii loo baari lahaa howlgalkii ay ciidamadu dadka ku laayeen ee ka dhacay tuulooyinka Gidan, Sama iyo Rumtuwa .
Militariga ayaa goor dambe sheegay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla agagaarka Gidan, Sama iyo Rumtuwa oo loo aqoonsaday inay xiriir la leeyihiin kooxda Lakurawas.
Hasa ahaate, ciidamada difaaca ee Nigeria ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dadka rayidka ah ee ay waxyeelladu soo gaartay.
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii militariga ay ka digeen koox cusub oo fallaago ah oo loo yaqaano Lakurawas oo ku soo qulqulaya gobolka waqooyi galbeed ee dalkaasi oo ka soo gudbaaya dalalka deriska la ah ee Niger iyo Mali.
Amni darro baahsan ayaa ka jirta waqooyi galbeed ee Nigeria halka 15 sano oo kacdoon ah uu aafeeyey waqooyi bari ee dalkaasi, rabshadaha burcad badeedda iyo kuwa gooni u goosadka ah ee saameeyay Koonfurta bari ee waddankaasi.