Xildhibaanka Koonfurta Turkana oo la xiray

0
538

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Koonfurta ismaamulka Turkana John Ariko ayaa lagu xiray magaalada Eldoret sida laga soo xigtay xisbiga ODM.
Xisbigan ayaa saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ku eedeeyay in ay xireen mudanaha habeennimadii Arbacada.
ODM ayaa ugu baaqday taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja inuu si degdeg ah wax uga qabto arrintan.
Xarigga siyaasiga ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sii kordhaya walaaca laga qabo afduubyada aan loo meel dayin ee dalka ka socda.
Waxay tani imaanaysa iyadoo maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) uu billaabay baaritaanno lagu ogaanayo in saraakiisha amniga ay ku lug leeyihiin dadka la waayay iyo in kale.