Babu Owino oo taliyaha booliiska dalka ugu baaqay inuu is casilo

0
417

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Waxaa uu xusay in taliyaha uu iska dhaadhiciyay in kenyaanka ay doqomo yihiin ka dib markii uu Kanja beeniyey eedeymaha ka dhanka ah booliiska ee ku aaddan inay gaystaan afduubyada.
Babu Owino ayaa xusay in muddadii uu xilka hayay Kanja in ay bateen afduubyada sharci darrada ah iyo ixtiraam la’anta xuquuqda nololeed ee aadanaha sidaasi awgeedna taliyaha guud ee booliiska waddanka looga baahan yahay inuu is casilo.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowladda in ay tallaabo ka qaaddo oo ay xaqiijiso in Mr .Kanja uu is casilo haddii kale uu gudbin doono mooshin ka dhan ah taliyaha booliiska.
Babu ayaa ugu dambeyntii u ballan qaaday qoysaska laga afduubtay ehelladooda in uu dadaalka sii wadi doono ilaa laga soo daayo dhammaan dadkii la afduubtay.
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay afduub loo gaystay ugu yaraan afar dhallinyaro Kenyaan ah sababo la xiriiro sawirro ay ku baahiyeen barta X.