DCI oo baaraysa dagaal xalay ka dhacay goob lagu caweeyo

0
461

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ay baaritaano ku sameynaysa dagaal xalay laga soo tabiyay goob lagu caweeyo oo ku taalla deegaanka Yatta ee ismaamulka Machakos.
Tani ayaa timid ka dib markii sarkaal booliis ah lagu eedeyay inuu riday ilaa 30 xabbo oo rasaas ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Fredrick Kipchoge oo ka howlgalo saldhigga booliiska ee Matuu uu rabshad abuuray abaare 2:40 habeennimo ee xalay.
Waxaa uu muranka ka billowday inuu nin kale ku eedeyay inuu kala wareegay haweeney ay sheeko ka dhexeysay.
Eedeysanaha ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Matuu oo uu hadda ku jiro .
Lama soo tabin cid ay waxyeello ka soo gaartay rasaasta uu adeegsaday askariga hadda xiran.