Laamaha ammaanka ee Jarmalka oo baaraya weerarkii dhacay Jimcihii

0
112

Maamullada ammaanka ee dalka Jarmalka ayaa baaritaano ku sameynaya weerarkii galinkii dambe ee Jimcihii laga soo tabiyay magaalada Magdeburg ee waddankaasi.
Waxay sheegeen in falkaasi dadka baabuurka lagu jiirsiiyay looga shakisan yahay dhakhtar u dhashay Sacuudi Carabiya.
Ilaa 5 qof ayaa weerarkaasi ku nafwaayay halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka halkaasi ku dhintay ayaa isugu jiray 4 ruux oo waawayn iyo canug 9 sano jir ah.
In kastoo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin ujeeddadii ka dambeysay weerarkaasi haddana dacwad oogaha guud ee Jarmalka Horst Nopens ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in tuhmanaha uu dhibsaday qaabka uu Jarmalku ula macaamilo qaxootiga ka soo jeeda boqortooyada Sacuudiga.