Macallimiinta dalka oo ku hanjabay in ay shaqo joojin sameyn doonaan bisha 1-aad ee sanadka 2025

0
116

Macallimiinta dalka ayaa soo saaray hanjabaad ah in ay bisha Koowaad ee sanadka soo socdo ay ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin haddii aynan dowladda bixin 10 bilyan oo shilin oo loogu talagalay caymiska caafimaad.
Xoghayaha guud ee ururka macallimiinta dalka ee KNUT laantiisa ismaamulka Kiambu Samuel Muiruri ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in dowladda ay ku guuldarreysatay cusbooneysiinta caymiska.
Waxaa uu xusay in caymiska caafimaadka horay loo cusbooneysiin jiray bisha 11-aad sanad kasta balse sanadkan laga gaabiyay.
Muiruri ayaa shaaca ka qaaday in tani ay dhibaato ku noqotay macallimiin badan maadaama qaarkood loo diiday adeegyo caafimaad in kastoo mushaarkooda laga jaray lacagihii lagu heli lahaa adeegyadan.
Isagoo ugu baaqay dowladda in ay arrintan wax ka qabato ayuu sheegay in macallimiinta aysan dib ugu laaban doonin goobaha waxbarashada bisha soo socota ilaa ay dowladda ka tixgelinaysa dalabaadkooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in wargelinta la xiriirta dibadbaxyada qorsheysan ee lagu dalbanaya caymis caafimaad in horay loola wadaagay dhammaan laamaha ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT guud ahaan waddanka.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay waalidiinta iyo ardayda isku diyaarinayaan dib u furka dugsiyada ee loo qorsheeyay 6-da bisha Kowaad ee sanadka 2025-ka.