Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar carruur ah ka dib markii uu xalay dab qabsaday gurigooda .
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga Gakoigo ee magaalada Maragwa ee ismaamulka Murang’a .
Goob joogayaal ayaa laga soo xigtay in saddex ka mid ah carruurta ay hal qoys ka soo wada jeedeen.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in aan weli la ogaan waxa sababay dabkaasi ay ku nafwaayeen labo gabdhood iyo labo wiil.
Meydadka carruurtan ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo waxaana lagu wadaa in qalliin baaritaan ah lagu sameeyo.