MSF oo israa’iil ku eedeysay inay isir sifeyn mise baab’in qowmiyadeed ka wadda gudaha Falastiin

0
375

Warbixin cusub oo ay soo saareen dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF looguna magac daray “dabinka dhimashada Qaza” ayay ku sheegeen in ay jiraan caddeymo wax ku ool ah ee isir sifeyn mise baab’in qowmiyadeed taasi oo ay ciidamada militariga Israa’iil ay ka wadaan gudaha Falastiin.
Weerarro ay Israa’iil ku qaadeen laba dugsi oo ku yaalla magaalada Qaza ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo barakacayaal ah.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in Israa’iil ay biyo yarida u isticmaaleyso hab dagaal oo kale kad ib markii ay burburiyeen kaabayaasha biyaha ee Marinka Qaza.
Sidoo kale ciidamada Israa’iil ayaa xalay mar kale duullaan militari ku qaaday xerada qaxootiga ee Balata ee u dhow aagga Nablus ee ku taallo Daanta Galbeed ee la haysto.
Muuqaallo laga soo duubay xerada oo ay daabacday shabakadda Quds News Network ayaa muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay sababeen cagaf-cagafyada ciidamada Israa’iil.
Khamiistii ayay ahayd markii ay weerar ay isla xeradaasi ciidamada Israa’iil ku soo qaadeen ay ku dileen laba qof oo Falastiniyiin ah oo ay ka mid ahayd haweneey 80 sano jir ah
Duullaanka militari oo ay Israa’iil ka waddo Marinka Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,129 qof halka lagu dhaawacay 107,338 kale oo Falastiniyiin ah.