Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa difaacay tallaabada uu hoggaamiyaha qaranka William Ruto isbeddelka ugu sameeyay golihiisa wasiirrada.
Waxaa uu sheegay in tani looga gol-leeyahay in dalka uu horay u sii tallaabsado kenyaankana ay ka faa’iidaan.
Xilli xalay fiidkii uu hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi warbaahinta dalka ku siinayay wareysi wadajir ah ayuunan Kindiki caddeyn in magacaabidda Mutahi Kagwe iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda gobolka bartamaha dalka ay tahay mid madaxweyne Ruto uu ku soo jiidanaya shacabka gobolkaasi.
Waxaa uu ku gaabsaday in magacaabidda mise xil ka qaadista wasiirrada ay tahay arrin uu go’aankeeda leeyahay keliya madaxweynaha dalka sidaasi awgeedna uu isbeddel sameyn karo xilliga ku habboon.