DHAGEYSO:Mucaaradka dalka oo ku hanjabay in ay sanadka 2025 dibadbax sameyn doonaan

0
146

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa wacad ku maray in haddii ka hor bisha Saddexaad ee sanadka 2025-ka aan la soo dhisin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha dalka ee IEBC, uu hoggaamin doono dibadbax ka qabsoomaya guud ahaan waddanka.
Waxaa uu golaha wasiirrada ku dhaliilay meel marinta xeer ku saabsan in muddo kooban gudaheeda uu xilka kula wareegi karo madaxweynaha la doorta.
Kalonzo ayaa xusay in tani ay tahay xeelad la doonaya in lagu shubto natiijada doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Madaxa Wiper ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qasab tahay in sanadka cusub la soo dhiso isbeheysi siyaasadeed oo saameyn leh.

Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu.