Maamulka cusub ee Syria oo ballan qaad sameeyay

0
87

Maamulka ku meel gaarka ah ee dalka Syria ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono cadaaladda , xoojinta nabad galyada iyo abuuridda fursado shaqo.
Afhayeenka maamulkan ,Obaid Arnaut oo wareysi siiyay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa sidoo kale sheegay in ay guddi u saari doonaan la xisaabtanka shakhsiyaadkii ka tirsanaa dowladdii madaxweynihii xilka laga tuuray ee Syria Bashar Al-Assad ee gaystay gabood-fallada.
Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka Syria ay dareemi doonaan isbeddel dib loogu soo celinaya kalsoonidii dadweynaha ay ku qabeen nidaamka maamulka iyo hannaanka garsoorka ee waddankaasi.
Afhayeenka ayaa ku celceliyay in cadaaladda la hor keeni doono dadkii xiray ee dhibaateeyay boqolaal kun oo qof oo u dhashay Syria.
Waxyaabaha kale ee ay mudnaanta siinayaan waxaa ka mid ah in isbeddel ballaaran lagu sameeyo hay’adaha dowliga ah ee uu si wayn ugu dhex baahay musuqmaasuqa.