Nin faraxumeeyay gabadh yar oo la xiray 20 sano

0
139

Waxaa xukun xabsi oo 20 sano ah lagu riday Kimosop Rutto oo loo haystay inuu ismaamulka Baringo ku faraxumeeyay gabadh 12 sano jir ah.
Waxaa uu ka soo hormuuqday oo xukunkan dhul dhigay garsooraha sare ee maxkamadda Kabarnet ,Edwin Mulochi.
Intii ay dacwaddu socotay, waxaa maxkamadda loo sheegay in Kimosop uu si ulakac ah u sameeyay faraxumeeynta 1-dii bishii Lixaad ee June ee sanadkii 2023-kii.
Waxaa uu gabadha yar ku dhibaateeyay gurigooda oo ku yaalla tuulada Koibour.
Waaxda dacwad oogidda oo ay matalaysay Rebecca Bartilol ayaa soo bandhigay marqaati dhan 5.
Xaakinka ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ee dalka ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah tuhmanaha sidaasi awgeedna lagu helay dembiga uu galay.