Murkomen oo ka mahadceliyay in loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha

0
115

Kipchumba Murkomen oo horay u hayay xilka wasiirka wasaaradda dhallinyarada , cayaaraha iyo hal-abuurka dhaqaale ayaa madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadceliyay inuu u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Jagadan ayaa bannaanaatay ka dib markii Prof. Kithure Kindiki laga dhigay madaxweyne ku xigeenka qaranka.
Murkomen ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxweynaha uu siiyay fursad aan caadi ahayn oo uu qaranka ugu sii adeegi karo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu rajeynaya in uu madaxweynaha garab ku siiyo ka dhabeynta qorshaha amniga iyo maamulka qaran.
Waxaa uu xusay inuu waajibaadkiisa shaqo u gudan doono si waafaqsan xeerarka dalka haddii uu baarlamaanka u ansixiyo jagada loo igmaday.