Golaha wasiirrada ee dalka ayaa meel mariyay istaraatiijiyadda horumarineed ee jaamacadda Nairobi.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xallinta caqabado muddo soo jiray oo ay wajahaysay xaruntan waxbarasho ee dowliga ah.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka ee State House ayaa lagu sheegay in jaamacadda Nairobi ay la daala –dhacaysa culeysyo maaliyadeed.
Waxaa ka mid ah in lagu leeyahay deymo dhan 13.2 bilyan oo shilin.
Caqabadahan ayaa horseeday in ay bareyaasha sameeyaan shaqo joojin halka ardayda ay xilliyo kala duwan dibadbaxyo sameeyeen.
Ka dib amar uu bixiyay madaxweynaha dalka William Ruto ayay wasaaradda waxbarashada iyo maamulka jaamacadda Nairobi soo saareen istaraatiijiyad horumarineed oo la adeegsan doono muddo labo sano ah taasi oo uu ansixiyay golaha maamulo jaamacadda.