Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in maamulka la daadajiyay ee dhaqan galay sanadkii 2013-kii uu muhiimad wayn u leeyahay midnimada qaran iyo horumarka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hannaankan uu door horumarineed ka qaatay maamulka dalka ugu yaraan tobankii sano ee ugu dambeeyay.
Kindiki ayaa arrintan ka sheegay shirka 11-aad ee ismaamullada iyo dowladda dhexe oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu tilmaamay in labada heer ee dowladda laga doonaya in ay sii xoojiyaan wada shaqeyntooda si loo xalliyo caqabadaha jira.