Maxkamadda sare oo laashay dacwad ka dhan ahayd NADCO

0
72

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday dacwad looga soo horjeeday sharciyadda guddigii wada hadallada qaran ee NADCO ee ka koobnaa 13-ka xubnood.
Waxaa kiiskan laalay garsoore Lawrence Mugambi.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in maxkamadda loo gudbiyay arrin uunan muran ka taagnayn.
Guddigan ayaa waxaa uu muddo fadhiyadiisi ku yeelanayay xarunta BOMAS ee ismaamulka Nairobi iyadoo xubno kala matalayay dowladda iyo mucaaradka ay ugu dambeyn soo saareen warbixin ka kooban qodobbo dhowr ah.
In kastoo aan warbixintii NADCO la dhaqan gelin haddana talooyinkii lagu soo jeediyay waxaa ka mid ahayd in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka ee dalka.