NISA oo shacabka Soomaaliyeed uga digtay inay la macaamilaan horjooge Xasan Afgooye

0
99

War-saxafadeed ka soo baxay hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed looga digay inay la macaamilaan Xasan Cali Maxamad oo loo yaqaano Xasan Afgooye oo ah horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Horjoogahan ay NISA uga digeyso bulshada Soomaaliyeed ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsan dhanka dabagalka lacagaha baada ah iyo xiriirka shirkadaha.
“NISA ayaa si dhow ula socoto aalado kasto oo xiriirka uu ninkan uu isticmaalo, waxayna guud ahaan dadka uga digeysa inay ninkan la sameeyaan la macaamil ayna ka ag dhawadaan goobaha uu joogo, maadama dowladda fedaraalka horjoogahaan saartay xannibaad dhan kasto ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka ka soo baxay NISA.
Hay’adda nabadsugidda qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed haddii ay helaan xogta ninkan lagu magacaabo Xasan Afgooye inay la soo wadaagaan ciidanka NISA, islamarkaana ay abaal marim siin doonto cidii soo gudbisa xogtiisa.
Hoos ka akhriso war-saxafadeedka ka soo baxay hay’adda NISA oo dhameystiran:-