Maxkamadda sare laanteeda magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa sawir qaade madax banaan oo lagu magacaabo Jacktonne Odhiambo ku xukuntay xabsi 50 sano ah.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii lagu helay inuu ka dambeeyay dalka Edwin Kiprotich Kipruto oo loo yaqaanay ‘Chiloba’ kaas oo u ololeyn jiray xuquuqda dadka isku jinsiga ee wax iska daya ee LGBTQ.
Garsooraha maxkamadda sare laanteeda magaalada Eldoret Reuben Nyakundi oo go’aankan soo saaray ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ay eedeysanaha ku caddeysay dambiga.
Waxaa uu garsooraha intaasi ku daray in dilka Chiloba uu qorsheeyay dambiilaha.
Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in Odhiambo uu faraxumeeyay Chiloba ka hor inta uusan ka takhalusin.
Meydka Chiloba ayaa laga helay isagoo lagu dhex qariyay sanduuq, waddada isku xirto Kipkenyo-Kaptinga ee deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu saddexdii bishii Koowaad ee sanadkii 2023-kii.
Shan qof oo uu ku jiro Odhiambo oo lala xiriiriyay dilka Chiloba ayaa afar ka mid ah la siidaayay ka dib markii lagu waayay wax caddeymo ah.