Wasiirka ku meel gaarka ah ee gaadiidka dalka Syria Bahaa el-Din Sharm ayaa sheegay in Syria ay dib u furi doonto hawada dalkaasi saacadaha soo socda.
Waxaa uu xusay in ay ka shaqeynayaan qalabeynta garoommada rayidka ah, iyadoo maamullada kala duwan ay howlaha dayactirka ee lagama maarmaanka ah ku sameynayaan garoomada si diyaaradaha ay ugu soo degaan ayna uga duulaan.
Sharm ayaa intaasi ku daray in maalmaha soo socda la shaacin doono taarikhda dib loo furi doono garoomada caalamiga ee diyaaradaha ee magaalooyinka Dimishiq iyo Aleppo.