DHAGEYSO:M-PESA Foundation oo malaayiin shilin ku maalgelisay arrimaha caafimaadka ee Kwale

0
192

Shirkadda tabarucaadda ee M-PESA Foundation ayaa mashaariic caafimaad oo ay ka fulinaysa ismaamulka Kwale ku maalgelinaysa lacag dhan 38.6 milyan oo shilin.
In ka badan 177,000 oo ka mid ah shacabka Kwale ayaa ka faa’iidaysanaya adeegyo caafimaad oo kala duwan.
Tani ayaa timid ka dib markii la daahfuray isbitaalka hooyooyinka iyo dhallaanka sidoo kalena la fidiyay daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.
Eunice Wambugha oo ka mid ah dadka adeegyadan ka faa’iiday ayaa dareenkeeda la wadaagtay warbaahinta.

Wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Kwale Dr. Francis Gwama ayaa isna shirkadda M-PESA Foundation uga mahadceliyay taageeradan.