Dambi baarayaasha waaxda la dagaallanka daroogada ayaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku xiray haweeney 27 sano jir ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in Quinter Achieng Matengo lagu helay 2 kiilogaraam oo nooca maandooriyaha ee xashiishka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan ay u safraysay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Tani ayaa timid ka dib markii saraakiisha maamulka canshuuraha ee KRA oo baaritaan ku sameynayay boorsadeeda ay ka shakiyeen waxaana markii dambe laga war helay in ay maandooriyaha qarisay si aan loo qaban.