Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga ayaa ku sugan caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa .
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya dood caawa loo qabanaya musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da .
Raila oo doonaya inuu jagadan kala wareego Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu soo bandhigi doono qorshihiisa oo ka kooban 10 qodob.
Waxaa uu xusay in haddii uu xilkan ku guulaysto uu mudnaan siin doono horumar dhaqaale , sare u qaadidda ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika, horumarinta kaabayaasha , in Midowga Afrika uu haleelo madax bannaani maaliyadeed, sinnaanta jinsiyadeed, isbeddelka wax soo saarka beeraha, wax ka qabashada saameynta cimillada, ka faa’iidaysiga kartida dhallinyarada , horumarka casriga ah iyo garaadka macmalka ee loo yaqaano AI, isdhexgalka qaaradda , nabada iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda Afrika.
Doodda oo si toos ah looga daawan doono telefishinnada warbaahinta Afrika ayaa ka dhexeyn doonto musharraxiinta kala ah Raila Odinga oo matalaya Kenya , Maxamuud Cali Youssouf( Jabuuti) iyo Richard Randriamandrato (Madagascar).
Doodda oo si wayn loo wada sugaya ayaa billaaban doonto abaare 7-da fiidnimo ee caawa ee saacadda bariga Afrika.
Waxaa musharraxiinta su’aallaha lagu waydiin doonaa luuqadda Ingiriiska mise Faransiiska.
Midowga Afrika ee AU-da ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay doodda Mjadala Afrika ay tahay in musharraxiinta la siiyo madal ay ku soo bandhigi karaan hiigsigooda , waxyaabaha hortabinta u leh iyo afkaartooda ku aaddan arrimaha hiigsiga horumarineed ee sanadka 2063-da.