Dowladda dhexe oo oggolaatay in ismaamullada lagu wareejiyo waajibaad dheeraad ah

0
76

Kulan ay yeesheen mas’uuliyiinta dowladda sare iyo barasaabyada ismaamullada wadanka ayaa waxaa ka soo baxay heshiis ah in dowlad deegaannada lagu wareejiyo shaqooyin dheeraad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii shaqooyinkan lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in sanad maaliyadeedka xiga ee billaabanaya bisha Toddobaad ee sanadka 2025-ka in ismaamullada loo qoondeeyo miisaaniyad dheeraad ah oo ay dadweynaha ugu fidin karaan adeegyadan.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay in kastoo labada heer ee dowladda ay kala madax bannaan yihiin haddana in ay qasab tahay in xiriirka ka dhexeeya uu noqdo mid ku saleysan wada tashi iyo wada shaqeyn.
Madaxweynaha ayaa dhammaan wasaaradaha , waaxyaha hoos tago iyo maamullada dowladda dhexe iyo kuwa ismaamullada ku boorriyay in haddii uu isfahan waa’ soo dhex galo ay si degdeg ah u xalliyaan.