KEBS oo sheegtay in suuqyada lagu iibinaya 2 milyan oo kiilogaraam oo bariis ah oo aan tayadiisa gaarsiisneen heerarkii laga rabay

0
276

Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) ayaa sheegtay in suuqyada magaalada Nairobi la geliyay 2 milyan oo kiilogaraam oo bariis ah, kaas oo aan gaarsiisneen heerarkii laga doonayay ee dhanka tayada.
KEBS ayaa bariiskaasi ku tilmaantay mid aan ku habbooneyn in la cunno.
Bariiska ayaa laga kenay dalka Pakistan, bilihii Sagaalaad iyo Tobnaad ee sanadkan.
Ilaa hadda, saraakiisha KEBS ayaa ku guulaystay inay soo helaan 23,000 oo kiilogaraam oo bariiskaas ah, iyadoo uu 50 kun oo kiilogaraam uu suuqyada ku jiro.
KEBS ayaa xustay in bariiskan uu khatarro caafimaad horseedi karo.