Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo maanta dagaal kula galay deegaanka Raaskambooni ciidamada Jubbaland.
War lagu daabacay barta intarneetka ee ciidamada la dagaalanka argigixisada Kenya, ayaa lagu sheegay in ciidamada is dhiibay ay dalbadeen magangalyo, iyagoo hubkoodii ku wareejiyay ciidamada Kenya.
Ciidamadan ayaa u gudbay xadka Kenya, waxaana wararku sheegayaan inay ku jiraan saraakiil ciidanka oo hoggaaminayay.
Dhanka kale, deegaanka Raaskambooni ayaa si rasmi ah gacanta ugu galay ciidamada Jubbaland.
Jubbaland waxay sheegtay inay isku soo dhiibeen in ka badan 40 ka mid ah ciidamada Gorgor.
Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin ciidamadeeda isku dhiibay dalka Kenya.
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo ka qayb galay dagaalkii Raaskambooni oo...