Ciidamada booliiska ee Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Luigi Mangione oo 26 sano jir ah.
Waxaa lala xiriirinaya dil loo gaystay madaxii fulinta ee caymiska caafimaadka ee United Healthcare Brian Thompson toddobaadkii hore.
Mangione ayaa laga soo qabtay magaalada Altoona ee gobolka Pennsylvania.
Eedeysanaha ayaa lagu helay qori sharci darro ah iyo qoraal tilmaamaya “dhiirrigelin iyo niyad xumo ka dhan ah shirkadaha Maraykanka sida ay booliisku sheegeen.
Mr. Thompson, ayaa Arbacadii hore dhabarka looga toogtay bannaanka maqaaxida Hilton ee gobolka New York.