Maraykanka oo hakiyay gargaarka dhaqaale ee Haiti

0
79

Dowladda Maraykanka ayaa hakisay tabarucaadkii dhaqaale ee ay ku bixin jirtay sanduuqa Qaramada Midoobay ee howlgalka taageerada amniga caalamiga ah ee dalka Haiti.
Waxaa arrintan sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaday in tallaabadaasi ay joojinaysa lacag dhan 13.3 milyan oo doollarka Maraykanka oo gargaar ah oo la sugayo.
Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan ammaanka ayaa bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ansixiyay howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah (MSS) ee loogu talagalay in lagu taageero mas’uuliyiinta Haiti dagaalka ay kula jiraan kooxaha dambiilayaasha ah, ee gacanta ku haya gobollada dalkaasi Haiti.
Joojinta maalgelinta Washington ayaa ku soo beegantay iyadoo qayb ka ah dadaalka madaxweynaha cusub ee la doortay Donald Trump uu ku doonayo inuu ku dhimo deeqaha Mareykanka ee dibadda, olole ay ka mid tahay dadaal lagu doonayo in lagu xiro howlaha hay’adda gargaarka ee ugu weyn dowladda ee USAID.
Dabayaaqadii bishii hore ayuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ka digay in caasimadda Haiti ay la wareegi karaan kooxaha burcadda ah haddii beesha caalamka aysan kordhin gargaarka howlgalka ammaanka