Qaramada Midoobay oo sheegtay in ugu yaraan 900 oo qof lagu dilay DRC

0
85

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ugu yaraan 900 oo ruux lagu dilay dagaallada ka taagan jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxay intaasi ku dartay in qiyaastii 3,000 oo ruux oo kale la dhaawacay gaar ahaan magaalada Goma ee Bariga waddankaasi.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada difaaca ee Congo iyo kooxaha fallagada ah ee ay hoggaaminaysa M23 oo dowladda Rwanda lagu eedeyo in ay taageerto in kastoo ay iska fogeysay.