Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay si wayn uga soo horjeedda qorsho kasta oo aan niyad sami ku saleysnayn oo Falastiiniyiinta looga barakicinaya dhulkooda hooyo.
Waxay sheegtay in aynan oggolaan doonin wax aan ahayn soo dhisidda dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ay caasimad u tahay Quddus sidii lagu heshiiyay 1967-dii.
Boqortooyada ayaa si cad u sheegtay in mowqifkeedan uu yahay mid aan laga gorgortamayn ama aynan ka tanaasulayn.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa arrintan bayaan ku sheegtay saacado un ka dib markii madaxweynaha d Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Maraykanka uu damacsan yahay inuu la wareego Marinka Qaza ka dib marka Falastiiniyiinta halkaasi laga saaro oo la geeyo waddamo kale oo deegaamayn looga sameynaya.
Waxaa qorshaha Donald Trump sidoo kale ka falceliyay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.
Waxaa uu boggaadiyay mowqifka Sacuudiga uu arrintan ka qaatay.
Maxamuud Cabbaas iyo hoggaanka dalka Falastiin ayaa si adag uga soo horjeestay arrintan uu sheegay madaxweynaha Maraykanka.
Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Maxamuud Cabbaas ayaa lagu xusay in xuquuqda sharciyeed ee Falastiiniyiinta aan laga gorgortami karin.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa cambaareeyay qorshaha Trump wuxuuna ku tilmaamay arrin aan la aqbali Karin.
Afhayeenka ururka Xamaas Cabdel Latif al-Qanou ayaa isna arrintan ka soo horjeestay wuxuuna ku micneeyay fikrad cunsurnnimo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Spain Jose Manuel Albares ayaa dhankiisa sheegay inuu caddeynaya in Falastiiniyiinta ay leeyihiin Qaza oo ayna qasab tahay in ay dhulkooda Qaza ku sugnaadaan.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib u dhis loogu sameeyo Qaza iyadoo aan Falastiiniyiinta dhulkooda laga barakicin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa xustay in mustaqbalka Qaza uunan u baahnayn maamulka dowlad saddexaad.