Shahsiyaadka u ololeeya xuquuqda xoolaha ayaa ka codsaday dowladda inay xoogga saarto sidii loo ciribtiri lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee hilibka Dameeraha.
Waxay sidoo kale dowladda ugu baaqeen inay xakameyso ka ganacsiga aan sharciga waafaqsaneen ee Dameeraha.
Kenyaanka ayay ku boorriyeen inay hubiyaan in hilibka ay ka iibsadaan kawaannada la aamini karo.
Dhawaan ayay ahayd markii la soo bandhigay warbixin sheegaysa in goobo qarsoodi oo ka tirsan waddanka lagu iibiyo hilibka Dameerka kaas oo loo ekaysiiyo midka lo’da.
Hilibka Dameerka ayaa loo iibgeeya magaalada Nairobi iyo agagaarkeeda.
Waxaa dalka ka mamnuucay cunnista iyo iibinta hilibka Dameerka.
Home Wararka Kenya Dowladda oo loogu baaqay inay xakameyso ka ganacsiga hilibka Dameeraha ee sharci...