Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka waddo tallaabooyin xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo madax bannaanida Soomaaliya.
Dowladda ayaa sheegtay in Itoobiya ay soo dirtay laba diyaaradood oo ay leeyihiin shirkadda diyaaradaha Itoobiya kuwaas oo hub sharci darro ah ka dajiyay magaalada Kismaayo.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu cambaareeyay falal ay ku tilmaamtay xadgudub Itoobiya ay kula kacday madaxbanaanida Soomaaliya.
Waxaa ay tilmaamtay in Itoobiya ay wali waddo tallaabooyinkeedii dhul ballaarsiga oo ay soo billowday horraantii sanadkan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in Itoobiya ay hub sharci darro ah soo galinayso gudaha Soomaaliya sidoo kalena ay tababarayaan ciidamo ay ku sheegeen maleeshiyaad.
Waxay digniin u dirtay shakhsiyaad ay ku tilmaamtay inay caqabad ku yihiin madaxbanaanida Soomaaliya ayna dhaxli doonaan cawaaqib xumo lana horkeeni doono sharciga.
Sidoo kale dowladda ayaa Itoobiya uga digtay wax ay ugu yeertay ficillo gurracan ayna dowladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cidkasta oo ku xadgudubta.
Dhanka kale, maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa ka jawaabay bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in magaalada Kismaayo ay ka dageen laba diyaaradood oo siday hub sidoo kalena ay halkaasi ka qaadeen dad ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.
Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa beeniyay inay jirto diyaarado hub sida oo ka soo degay magaalada Kismaayo.
Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa ka jawaabay in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland uu Itoobiya u safray.
Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa hadalka dowladda ku tilmaamay weerar ay ku qaadayso Jubbaland.