Warbixin lagu sheegay in 19 xildhibaan aynan sanadkan hadal ka jeedin gudaha baarlamaanka

0
274

Warbixin ay soo saartay hay’adda Mzalendo oo dabagal ku sameysa howlaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay in sanadkan aynan golaha qaran ee xeer dejinta hadal ka jeedin 19 xildhibaanno ah.
Waxaa warbixinta ku cad in siyaasiyiin ay ka mid yihiin xildhibaanka deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi iyo dhiggiisa deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi George Aladwa aynan waxba ku biirin doodaha baarlamaanka ee sanadkan.
Marka la eego xisbiyada ay ka tirsan yihiin 19-ka xildhibaan ee magacyadooda warbixinta lagu sheegay 10 ka mid ah waa xubnaha xisbiga UDA , Xisbiga ODM waa 4 , ANC (2) halka Wiper, DAP-K iyo Jubilee ay kala yihiin min hal xildhibaan.
Dhanka kale ,Aadan Kaynaan Weheliye oo laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ayay Mzalendo sheegtay inuu ka mid yahay xildhibaannada ugu firfircoon ee baarlamaanka dalka.