Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in uunan jirin wax khilaaf ah oo dowladda talada haysa kala dhexeeya kaniisadaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka Kenya Kwanza uu qadarinaya diinta balse sidoo kale madaxda diimeed laga doonaya in ay iyagana dowladda ixtiraamaan.
Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Navakholo ee ismaamulka Kakamega sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhaliilaha dowladda loo jeedinaya ay noqdaan kuwo xaqiiqada ku saleysan .
Waxaa uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan doodaha iyo wada hadallada waxtarka leh isagoo baadariyaasha u sheegay in dowladdu aynan wax dhibaato ah ku qabin in la saxo balse uu keliya codsanaya in taasi loo maro qaab kal-gacayl ku dheehan.