Dowladda dhexe ee dalka ayaa ku dhawaaqday in berri la billaabi doona qorsho lagu qoraya kenyaan ka shaqeyn doona waddanka Isu tagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Dubai ee waddanka Isu tagga Imaaraatka Carabta looga baahan yahay in ka badan 10,000 oo shaqaale kenyaan ah oo xirfad leh iyo kuwa aan lahayn.
Fursadaha shaqo ee ka bannaan magaalada Dubai ayaa ah shaqooyin la xiriira dhismooyinka ama guryo dhisidda.
Mushaarka la bixin doona ayaa u dhexeeya 33,000 ilaa 60 kun oo shilinka dalka ah islamarkaana aysan canshuur ku jirin.
Shakhsiyaadka ku soo baxa wareysiyada shaqo ee berri la billaabi doona ayaa heli doonaan hooy, gaadiid, cunto iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.
Hasa ahaatee, waxaa looga baahan doona inay bixiyaan kharashaad yar oo ku saabsan fududeynta safarkooda.
Shuruudaha loo baahan yahay waxaa ka mid ah in qofka uu haysto baasaboor.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in shakhsiyaadka wareysiyada ku soo baxa ee aan haysanin baasaboor si degdeg ah loogu fududeyn doona inay helaan aqoonsigaasi.
Wareysiyada ayaa lagu qaban doona ismaamullada Nairobi, Nyeri iyo Mombasa.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhawaan carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha waddanka iyadoo loo marayo shaqo abuur.