Waxaa lagu wadaa in bisha Koowaad ee sanadka soo socdo ee 2025-ka in dhammaan gadiidka bajaajta ama tuktuk ee ismaamulka Mombasa la diiwaangeliyo.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay yareyso dambiyada ka dhaca waaxda gaadiidka bajaajta ee dowlad deegaankaasi, sida dhaca.
Waxaa amarka lagu diiwaangelinayo gaadiidka bajaajta soo saaray guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Mombasa Maxamad Nuur Xasan.