TSC oo ku dhawaaqday in loo baahan yahay 8,707 macallimiin ah si ay u buuxiyaan boosas banaan

0
290

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa ku dhawaaqay in loo baahan yahay 8,707 barayaal oo cusub, si ay u buuxiyaan boosas banaan.
Waxaa boosaska banaan baneeyay macallimiin geeriyooday ama kuwa howlgab noqday.
TSC ayaa shaaca ka qaadday in 5,862 barayaal ah looga baahan yahay dugsiyada hoose dhexe ee dalka iyo 21 dugsiyada sare ee JSS.
Sidoo kale 2,824 macallimiin ah ayaa looga baahan yahay inay buuxiyaan boos ka banaan dugsiyada sare ee waddanka.
Macallimiintan la shaqaaleysiin doona ayaa waxay ku shaqayn doonaan qaab joogta ah.
Shakhsiyaadka daneynaya inay wax ka dhigaan dugsiyada waddanka ayaa loogu baaqay inay soo dirsadaan codsiyadooda.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha ee TSC ,Nancy Macharia ayaa sheegtay in soo gudbinta codsiyada la billaabi doono 31-da bishan Diseembar ee sanadkan.
Wakhtiga kama dambeyska ee codsiyadan la qabanaya ayay sidoo kale ku sheegtay 13-ka bisha Koowaad ee sanadka soo socda.
Codsiyada ayaa lagu soo gudbinaya shabakadda guddiga adeegga macallimiinta ee tsc.go.ke